Farriinta Wasiirka

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Oo Farriimo u Diray Macallimiinta Maddaarasista iyo Waalidiinta Carruurtoodu Quraanka Barto 24/June/2020
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka ugu baaqay inay fuliyaan awaamiirta badbaadinta Ubadka ay Quraanka barayaan si looga hor-taggo xannuunka Covid19, maadaama .30-ka June oo ku beegan maalinta ee Salaasada Berri ay dalka dib uga furmayaan Maddaarista quraanku.
Farrimaha Wasiirka, ayaa yimi ka dib markii 23-kii June Guddida Qaran ee ka ho-rtagga Xanuunkaasi qaadeen xayiraadihii cudurkaas lagu xakamaynayey, qaarkoodna khafiifiyeen, isla markaana dib u fasaxeen goobaha waxbarashadda ee la xidhay 19-kii March 2020.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo Warbaahinta Kula hadlay Maanta Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa Waalidiinta ugu baaqay inay oggaadaan daryeelka Macallimiinta Carruurtooda Quraanka baraya oo uu sheegay in aannay badi wax mushahar iyo dhaqaale ah helin saddex bilood oo cuddurka Covid-19 awgii loo fasaxay goobaha Waxbarashadda ee Somaliland.